Diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka lahaa ayaa horaantii todobaadkan ku burburtay Koonfurta Soomaaliya, sida uu Jimcihii uu xaqiijiyey taliska AFRICOM.
War qoraal ah oo taliska Maraykanka ee Africom ku daabacday X, ayey ku sheegtay in Talaadadii diyaarad MQ-1C ah oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka uu ku burburtay qiyaastii 12:40 habeenimo xilliga Soomaaliya koonfurta dalka.
Africom waxaa ay sheegtay in baaritaan ku socdo diyaaradda, inkasta oo shilkan uusan u muuqan mid ka dhashay sida hadalka loo dhigay isku day lagu doonayey in lagu soo rido diyaaradda.
Talaadadii ayaa la soo tabiyey in deegaanka Farsooley ee degmada Qoryooley gobolka shabeellaha Hoose ay ku dhacday diyaarad, waxaana magaalada Muqdisho jidaha dhanka galbeedka kaga beegan qiyaastii 88-KM, kaasi qeyb ahaan gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab.
Waa diyaaraddii labaad oo muddo seddex bil gudahood ah ku dhacda gobolka Shabeellaha hoose, ka dib 19-kii Sebtember markii ay diyaarad nooca Milatariga ah ay ku dhacday deegaanka Carbiska, taasi oo ay saarnaayeen 4 qof oo la sheegay in ay ahayaeen dhamaantood Ajaaniib.
Diyaaraddaasi oo cilad ku timid inta ay hawada ku jirtay ayaa ku sii jeeday Garoonka Beli-doogle, waxaana ay siday saanad ciidan sida laga soo xigtay taliska ATMIS ee deegaanka Carbiska.
Soomaaliya ayaa sanado badan caan ku ah weeraro, gaar ahaan Alshabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxaana deegaanno gacantooda ku jirta dhowr jeer horay dhacay diyaaraddo ciidan.
Sida oo kale dadka falanqeeya ayaa qaba in diyaradaha iyo hubka sida fudud ugu gacan galaya kooxda uu u sahlo in weeraro ay kaga geysato goobaha bartilmaameedka ah, gaar in dib ugu isticmaasho qaraxyada iyo weerarada ay ka fuliso goobaha dadku ku badanyihiin iyo xeryaha ciidamada dowladda.
Kooxda ayaa kordhisay weerarada tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah kooxda, iyada oo bartilmaameed ka dhigatay magaalooyinka waa weyn oo Muqdisho ugu horeyso.
HBN ONLINE TV