Mareykanka oo si cad uga soo horjeestay heshiiska Itoobiya & Somaliland.

Dawlada Mareykanka ayaa si buuxda u shaacisay inay ka soo horjeeda is-fahamka muranka badan dhaliyay ee bishan dhexmaray Itoobiya & Somaliland, kaasi oo ku aadan in Itoobiya ay saldhig ciidan iyo dekad ay leedahay ka samaysato xeebaha degmada Lughaya ee gobolka Awdal.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa ku tilmaamay heshiiskaasi mid halis ah isla markaana uu xadgudub ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya, uuna dhalin karo xiisad iyo colaad ka qaraxda gobolka Geeska Afrika.
John Kirby, wuxuu sheegay in Mareykanku ay la kaashaan doonaan saaxiibada Gobolka oo ay ku jiraan Midowga Afrika & siddeeda dal ee urur goboleedka IGAD, sidii looga horimaan lahaa heshiiskaas aan rasmiga ahayn, oo ku tilmaamay mid carqaladeeya dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo waxa loogu yeero argagixisada.

“Waxa aan si gaar ah uga walaacsanahay waa kan is-afgaradka dhawaan qalinka ay ku duugeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo halis galinaya carqaladeynaya dagaalka ay Soomaalidu, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka oo aynu ku jirno ugu jiraa la dagaallanka Al-shabaab,” ayuu yiri John Kirby, oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Aqalka Cad ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Geeska Afrika uusan xilligan xamili karin colaad kale, maadaama ay jiraan dhibaatooyin muddo dheer lala soo tacaalayay.
“Al-Shabaab waxay weli gobolka ka tahay khatar argagaxiso, su’aalna kama taagna, ma aaminsanin in gobolka uu qaadi karo colaad kale, umana maleynayno in heshiiska isa-fgaradka ah uu ku socdo jihada saxda ah.” Ayuu mar kale John Kirby.

Dawlada Mareykanka ayaa horay u caddeysay mowqofkeeda ku aadan illaalinta madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya taas oo ay ku sheegay in ay tahay in la ilaaliyo.
Hadalka ka soo yeeray Washington ayaa ku soo aadayaa iyadoo maalinimada beri ah kulan aan caadi ahayn oo deg deg ah ay magaalada Kampala ku yeelanayaan madaxda urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo ka shiraya sidii xal loogu heli lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dawlada Soomaaliya ku eedeysay Addis Ababa inay xadgudub ku sameysay madaxbannaanida Soomaaliya ka dib is afgaradkii Ra’isalwasaaraha Itoobiya & Madaxweynaha Somaliland ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa horaabntii bishan.

Itoobiya ayaa talaaadii sheegtay inaysan ka qayb gali doonin shirkaasi maadaama waqtigu lagu soo wargaliyay uu gaabnaa hawlo badanna ay u yaalaan madaxda dalkaasi.

HBN Online News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed