Mareykanka oo qirtay khasaare balaaran oo ka soo gaaray weerarada Xuutiyiinta

Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu khasaare kala kulmay weerarada ka socda Yemen tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay, markaasi oo ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ee loo yaqaan Xuutiyiinta, iyadoo la soo riday 7 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah (drones), oo middiiba lagu qiyaasay in uu qiimaheedu yahay ku dhawaad $30 milyan.

“Tan iyo bartamihii Maarso, waxaan luminay toddobo diyaarada MQ-9,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday in aan la magaciisa laga xusin warbaahinta, wuxuuna sheegay in diyaaraddii toddobaad ee drone ah la soo riday 22-kii Abriil, sida wakaalada wararka AFP ee Faransiiska laga leeyahay ka soo xigatay ilo wareed.

Intaa waxaa dheer, diyaarad dagaal oo Maraykan ah oo saarneyd markabka dagaalka ee USS Harry S. Truman ayaa ku dhacday Badda Cas Isniintii, taasoo sidoo kale dhaawacday hal askari.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in diyaarada F18 ah ay ku dhacday markabka xilli ay ka cararaysay gantaalka ay rideen Xuutiyiintu.

Qiimaha diyaarada F/A-18 ee ay samaysay shirkadda Boeing qiimaheedu sanadkii 2021-kii wuxuu ahaa $67 milyan oo doolar.

Wargeyska The New York Times ayaa soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo sheegay in weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta ee Yemen ay ilaa hadda ugu kaceen Mareykanka in ka badan 1 bilyan oo dollar, waa tan iyo markii Trump uu amray weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Masuuliyiin ka tirsan Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon-ka ayaa sidoo kale aqbalay toddobaadkii hore in awoodda kooxda Xuutiyiinta ee ay ku soo rideen drones-ka Mareykanka ee hawada Yemen ay kororay.

Masuuliyiin Mareykan ah ayaa u sheegay telefishinka CNN in kooxda Xuutiyiintu ay guul ka gaartay soo rididda 7 diyaaradood oo aan duuliye lahayn tan iyo markii weerarada Maraykanku bilaabeen 15-kii Maarso, taasoo carqalad ku noqotay u gudbidda wajiga labaad ee ololaha.

Xuutiyiintu waxay marar badan ku dhawaaqeen inay soo rideen ugu yaraan 22 diyaaradood oo nooca MQ-9 ah tan iyo markii ay bilaabeen dagaalka ay ku sheegeen inay ku garab taagan yihiin dadka reer Gaza, waxaana ay bilaabeen dhammadkii sanadkii 2023.

 

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed