Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday $6.62 milyan oo gargaar bani’aadantinimo ah, si loogu taageero bulshooyinka nugul ee isu diyaarinaya fatahaadaha la filayo xilliga roobabka Deyrta ee bilaha Oktoobar ilaa Diseembar.
Gargaarka ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore, adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka, iyadoo sidoo kale taageero loo fidinayo qoysaska fatahaaduhu saameeyaan iyo dadka barakacayaasha ah.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho, ilaa 600,000 oo qof ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan adeegyada gargaarka, halka ilaa 71 xarumood oo caafimaad laga caawin doono inay sii shaqeeyaan.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in fatahaaduhu saameyn karaan 2.5 milyan ilaa 3.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in tallaabooyin hore loo qaado si loo badbaadiyo nolosha dadka loona ilaaliyo hab-nololeedyadooda.
Soomaaliya ayaa xilligan wajahaysa diyaar garowga saameynta El Niño, iyadoo abaaro soo noqnoqda, colaado iyo barakac ay durba saameeyeen bulshooyin badan oo dalka ku nool.

