Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyay kalfadhiga 81aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku adkeeyay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isaga oo sheegay in khilaafaadka u dhexeeya dalalka lagu xalliyo wada hadal iyo sharciga caalamiga ah.
Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay dib u habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka, si Afrika ay u hesho matalaad caddaalad ah oo ka tarjumaysa doorkeeda iyo saamaynta go’aannada goluhu ku leeyihiin qaaradda.
Dhanka amniga, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay xoojinayso ciidamadeeda, sirdoonka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka deriska ah iyo saaxiibbada caalamiga ah si loola dagaallamo waxa loogu yeero argagixisada. Wuxuu codsaday taageero joogto ah oo la saadaalin karo, taas oo gacan ka geysanaysa kala wareegga amniga iyo dhismaha hay’adaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo ay waddo dib u habayn dastuur, dhisidda nidaam xisbiyo badan leh iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah. Waxa uu sidoo kale xusay dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha iyo maalgashiga waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta dadka.
Madaxweynuhu wuxuu ka digay khataraha isbeddelka cimilada iyo saamaynta laga filayo El Niño, isaga oo dalbaday diyaargarow iyo tallaabooyin hore oo lagaga hortago musiibooyinka.
Isagoo ka hadlayay xaaladda Bariga Dhexe, wuxuu taageeray xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin aayo ka tashiga iyo dowladnimadooda, wuxuuna ku baaqay xal laba dowladood ah oo ku salaysan xuduudihii 1967-kii, si loo helo nabad waarta oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay xoojinayso iskaashiga gobolka iyo xiriirka ay la leedahay ururrada Afrika iyo Bariga Afrika.
HBN Online Tv

