Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqeeyay saldhigyo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa qaaday weerar xooggan oo ka dhan ah saldhigyo Xuutiyiinta Yemen leeyihiin, kuwaas oo la bartilmaameedsaday, weerarkaan ayaa ahay mid cirka ah, muuqaalada weerarkaan ka dashay ayaa laga sii daayay warbaahinta gobolka, balse khasaaraha ka dashay lama oga.

Dowladda  Mareykanka ayaa sheegay in weeraradan lagu eegtay goobo lagu keydiyo hubka iyo gantaalada ay ku weeraraaan maraakiibta, iyo qalab kale.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in tillaabadan ay jawaab u tahay weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee badda cas.

Dhanka kale  Xuutiyiinta ayaa horay u shgeegay in ay beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka reer galbeedka ee taageera, iyagoo intaa ku daray in arrintaan ay ugu hiillinayaan Falastiiniyiinta Qasa ee sida joogtada ah ula kulma weerarada iyo duqeymaha Israa’iil.

Majiro weli wax war ah oo ka soo baxay kooxaha xuutiyiinta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed