Ciidamada Xoogga dalka ee Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa sheegay in howlgal duqeyn ah ay ku dileen xubno ka tirsan Alshabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Laba-Garas ayaa la sheegay in lagu burburiyey sida hadalka loo dhigay dhagaro kooxdu qorsheynaysay in ay dib isugu soo abaabulaan, ka dib jabkii ay kala kulmeen dagaalladii ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.
Sidoo kale, dowaladda ma sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo gaaray kooxda balse waxay hoosta ka xariiqday in AFRICOM iyo iyaga duqeymaha ku jabiyeen sida warka ay u dhigeen Alshabaab.
“Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga ciribtirka Khawaarijta iyo qiimeynta khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Khawaarijtu sii jabayaan” ayaa lagu yiri bayanka dowladda Soomaaliya.
Waxaa jira warar sheegaya in duqeyntan ay ku dhinteen dad rayid ah, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya ama saaxiibada caalamiga ah ee taageeraya oo ku aadan warkan la xiriira khasaaraha rayidka.
Inta badna duqyemaha ka dhaca Soomaaliya waxaa wax ku noqda dad rayid ah, sida ay sheegaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ama kuwa maxalliga ah.
Duqeyntaan ka dhacday deegaanka Laba-garas ayaa ku soo aadaysa xili dowladda Soomaaliya ay todobaadkii hore sheegtay in duqeymo dhowr ahaa oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen Alshabaab lagu dilay in ka badan 150 xubnood.
HBN ONLINE TV