Koonfur Galbeed oo bilaabay dhismaha hay’ad sirdoon oo u gaar ah, inkasta oo su’aalo ka taagan yihiin waxa qaban doonto

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey qorshe uu ku bilaabay dhismaha hay’ad nabad-sugid iyo sirdoon oo u gaar ah, taas oo loo bixiyay SISA (South West Intelligence and Security Agency). Hindise-sharciyeedka lagu dhisayo hay’addan ayaa la horgeeyay Golaha Wasiirrada maamulka, waxaana loo gudbiyay akhrinta koowaad.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amni iyo midda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, saameynta isbeddelka cimilada, maamul-daadejinta iyo horumarinta dhallinyarada. Hoggaamiyaha ayaa wasiirrada ku boorriyay dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee bulshada loogu adeegayo.

Dhismaha SISA ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan shaqada ay qaban doonto iyo awoodaha ay yeelan doonto, maadaama NISA ay tahay hay’adda sirdoonka qaranka ee ka howlgasha dalka, ayna ciidamo ka tirsan ka howlgalaan deegaannada maamulkaasi. Waxaa la isweydiinayaa waxa ay hay’adda cusub kaga duwanaan doonto NISA, cidda ay hoos imaan doonto dhanka tababarka, maalgalinta iyo sida ay ula shaqayn doonto hay’adaha amniga federaalka. Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah lagama bixin waajibaadkeeda iyo qaab-dhismeedkeeda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay kacsan tahay, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhanka degmada Buurhakaba, oo ah deegaan muhiim u ah isku xirka gobollo dhowr ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed