Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay sii xoojinayso xiriirka ay la leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo tilmaantay in iskaashiga labada dhinac uu sannadba sannadka ka dambeeya sii xoogeysanayo, isla markaana uu yeelanayo sida hadalka ay u dhigtay muhiimad istiraatiiji ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ka dib markii uu dib ugu soo laabtay magaaalada Hargeysa madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uu ku dhisan yahay waxay ugu yeertay “dano wadaag, is-aaminaad iyo ixtiraam”, isla markaana uu taabanayo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin maalgashiga, ganacsiga, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.
Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal ugu jiro horumarinta xiriirkiisa diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay la leedahay Imaaraadka, si loo xoojiyo iskaashiga mustaqbalka.
Imaaraadka Carabta ayaa door ku leh xiriirka dibadda ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo amniga.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay Imaaraadka ku eedeysay faragelin siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriirta khilaafaadka gudaha dalka, taasi oo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Somaliland, dhankeeda, waxay muujisay inay doonayso in xiriirka ay la leedahay Imaaraadka uu sii ahaado mid istiraatiiji ah, isla markaana lagu ballaariyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
HBN ONLINE TV

