Maleeshiyaad weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Pakistan, iyagoo dilay ugu yaraan 10 askari kuwa kalana dhaawacay

Maleeshiyo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca, qoryo iyo bambaanooyin ayaa ka hor waaberigii shalay weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaalla meel ay hore ugu sugnaayeen Talibanka Pakistan oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalkaas, halkaas oo ay ku dileen 10 askari ka hor inta aysan baxsan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Lix sarkaal oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkii ugu xumaa ee sanadkan ka dhacay Dera Ismail Khan, oo ah degmo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, oo xuduud la leh Afghanistan. Ma jirto koox si degdeg ah u sheegtay. Anees-ul-Xasan oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Ciidamada ay ku howlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen raggii weerarka geystay.

Rabshadaha ayaa yimid labo bilood ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay bannaanka hore ee saldhigga booliska ee isla degmadaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 23 boolis ah 32 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay koox cusub oo mintidiin ah – Tehreek-e-Jihad Pakistan, taasoo la rumeysan yahay inay ka tirsan tahay kooxda Taliban ee Pakistan. Kadib weerarkii 5-tii December ka dhacay deegaanka Dera Ismail Khan, ciidamada ayaa howlgalo kala duwan ku dilay 27 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Milateriga iyo kuwa Booliska deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed