Madaxweynihii hore Nigeria oo Midwaga Afrika u direen xal u helida xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Si looga hortago xiisada sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya in ay isu beddesho dagaal halis ah, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa dadaallo wada xaajood ah u diray Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay u hoggaansamaan mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya labada dal ee jaarka ah ayaa soo shaac baxay ka dib markii dawladda gooni-goosadka ah ee Somaliland ay heshiis la gashay Itoobiya 1-dii January, kaas oo u ogolaanaya inay la wareegto deked iyo saldhig ciidan oo halkaas ku yaalla Badda Cas.

Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ugu baaqay  dowladaha ay xiisadu ka dhex alloosan tahay ee Itoobiya iyo Soomaaliya in ay u hoggaansamaan mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga.

Toddobaadkii hore, Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay dagaal gasho.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee ay isku dhacaan labada dal waa1977-dii, 2006-dii, Itoobiya waxay soo gashay Soomaaliya, taasoo qayb ka ahayd la-dagaalanka Maxkamadihii.

Somaliland oo u ogolaatay Itoobiya inay hesho dhulkeeda, ayaa rajo ka qabta inay hesho aqoonsi dal madax-bannaan, kaasoo ay ku andacoonaysay tan iyo 1991-kii markii ay ka go’day midowgii madax-bannaanida ee ay la gashay Soomaaliya 1960-kii.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Obasanjo ayaa wajahaya shaqo adag iyadoo labada dal ay ku jiraan ciyaar siyaasadeed oo xasaasi ah. Arbacadii, Soomaaliya ayaa dib u celisay diyaaradii Itoobiya ee ku soo jeeday Somaliland, iyadoo ay la socdeen wakiilo ka socday dowladda Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland 1-dii Janaayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed