Madaxweyne Xasan: Soomaaliya ma rabto inay dagaal la gasho Itoobiya haddaan waxba iska beddelin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Axaddii wareysi siinayay Telefishinka Al-Carabiya iyo Al-Xaadth, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan dooneyn in ay dagaal la gasho Itoobiya, haddii aysan wax khaldamin.

“Ma jirto wax qorshe ah ama ujeedo ah in aan Itoobiya dagaal la galno xilligan, laakiin haddii ay wax iska beddelaan waa inaan ka falcelinnaa markaas,” ayuu yiri madaxweyne Maxamuud.

Madaxweynuhu waxa uu waraysigaas ku sheegay inuu u arko heshiiska ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland mid xad-gudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xasuusiyay in “Soomaaliya ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta, xaqna ay u leedahay inay hesho taageero ay isku difaacdo haddii loo baahdo, balse ilaa hadda looma baahna arrintaas”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay ku taal deegaanada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Itoobiya aysan dooneyn qeyb ka mid ah badda, balse ay dooneyso in ay ku darto dhulka Soomaaliya, taasina aysan marnaba dhici doonin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed