Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la leh baarlamaanka Soomaaliya isla markaana jeedin doono khudbad weyn

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo kala hadli doona xaaladda dalka, fariintaas ayaa durbaba la gaarsiiyay baarlamaanka Soomaaliya, kulankaas ayaa berrito Arbaca ah lagu wada in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankii maanta ee labada aqal ka akhriyay fariinta madaxweynaha, wuxuuna xildhibaanada, isla markaana ka dalbaday in soo xaadiraan maalinta berri ah.

Madaxweyne Xasan ayaa mudanayaasha labada aqal kala hadli doono xad-gudubkii Itoobiya ay kula keceen madaxweynaha iyo wafdigiisa intii ay joogeen Adis-ababa oo shirkii Midowga Afrika kaga qeyb galayay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xildhibaanada xog kasiin doona safaradiisii u danbeeyay iyo taageerada dowladda ee wadamada caalamka, ee ku aaddaneed xiisada biyaha gobolka Awdal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed