Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka lagula jiro Daacish iyo Alshabaab bisha Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fariin hambalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Shacabka ayaa ku baaqay in la garab istaago Dadka dantayar oo ajir badan laga helayo.

Barakacayaasha, Agoonta & Dadka kale ee tabartoodu yar tahay ee aan wax haysan ayuu u dalbay in laga warqabo maadaama la galay bil fadli gaar ah leh loona baahan yahay in laga faa’iideysto sadaqada la baxsanayo, isaga oo Soomaalida ku amaanay in ay ku fiican yihiin iska warqabka sidaas awgeedne loo baahan yahay in ahmiyad gaar ah leedahay in laga war hayo deriska lagana caawiyo duruufaha dhinacyada kala duwan ka taagan.

“Waa Bishii Naxariista, Dadka wax haysta waxa aan leeyahay hala garab istaago kuwa gacantooda gaaban tahay, kuwa agoonta ah & Barakacayaasha hala caawiyo” Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ka socda Gobollada Dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyay in la garab istaaggo ciidamada furimaha dagaalka ku sugan.

“Dowladda Soomaaliya walaalayaal halagu garab istaago waxa wanaagsan ee rabto in ay u qabato dalka iyo dadka, halagu garabsiiyo in dalkaan ay ka xorreyso Khawaariijtaan 18ka sano ku habsatay” Xasan Sheekh Maxamuud, MW Soomaaliya.

Wuxuu soo jeediyay in laga fogaado kala qaybsanaanta, qalbi xumada & is nacaybka si looga shaqeeyo in dalka si wadajir ah wax loogu qabto oo lagu gaari karo isku duubni sida uu hadalka u dhigay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed