Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garoowe kaga qayb galaya caleema saarka Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garoowe si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dhaceyso maanta oo khamiis aheyd ilaa caawa oo jimco soo galeyso.

Madax hore, siyaasiyiin, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, iyo wafdi ka socda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horay ugu sugnaa magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe xiriirkoodu xumaaday, iyadoo Puntland ay qaadacday shirkii madasha wadatashiga qaran ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay go’aamo siyaasadeed oo muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee Puntland ayaa ka soo horjeesatay dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirarkii madasha.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa rumeysan in ka qeyb galka madaxweyne Xasan ee xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland ay muujineyso dib u heshiisiin suurtagal ah, taasi oo sahlaysa in labada dhinac ay billaabaan wada hadal iyo in laga shaqeeyo sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed