Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay isla markaana boggaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.
Xasan Sheekh ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid gololdhig u ah mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka, kuna saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.
Villa Somalia ayaa si weyn u riixeysay hannaanka hirgelinta arrimaha wax ka beddelka dastuurka dalka muddooyinkii la soo dhaafay, xilli ay la kulmeysay diidmo xooggan oo kaga imaaneysay madax hore siyaasiin iyo maamulka Puntland, balse Xasan Sheekh iyo saaxibadiis ayaa horay u sheegay in aysan gorgortan ka gali doonin arrimaha dastuurka sidii loo dhammestiri lahaa.
Lama oga tallaabooyinka ay qaadi doonaan mucaaradka Soomaaliya ee diidan arrintaan, kuwaas oo siyaabo kala duwan dhowr jeer u soo saaray qoraal ay kaga soo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka.
HBN NEWS DESK