Madaxweyne Xasan Sheekh gaaray magaalada Kismaayo iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha  maamulka Jubaland Axmed Islaam Maxamed, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta kooxda Al shabaab, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed