Madaxweyne Tshisekedi iyo Antony Blinken oo ka wada hadlay arrimo kala duwan xilli lagu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka in tgao galbeed Afrika

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) Felix Tshisekedi inuu wax ka qabto walaaca doorashada ka dib markii loo dhaariyay.

Blinken, oo socdaal ku mari doona Galbeedka Afrika, ayaa Tshisekedi kula hadlay khadka taleefanka, si uu ugu hambalyeeyo guusha uu gaaray, ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Blinken “wuxuu ku dhiirigeliyay madaxweyne Tshisekedi inuu ka hadlo walaacyada ay soo jeedinayaan goobjoogayaasha doorashada isagoo qaadaya tillaabooyin lagu kordhinayo kalsoonida geeddi-socodka dimoqraadiyadda ee socda.”

Blinken ayaa sidoo kale Tshisekedi kala hadlay qalalaasaha ka taagan bariga DR Congo isagoo rajo ka qaba inuu keeno xasilooni sanado badan oo rabshado ah ka dib.

Madaxa sirdoonka Maraykanka Avril Haines ayaa dabayaaqadii sannadkii hore sheegay inay heshiis wada gaareen Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, isagoo ku eedeeyay Kinshasa inay taageerto fallaagada Tutsiga ee bariga DRC.

Blinken ayaa todobaadkii hore kula kulmay Kagame shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos, waxaana uu bogaadiyay dadaaladii ugu dambeeyay ee Rwanda, oo horey u la kulantay dhaleeceyn uga timid Mareykanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed