Madaxweynd Xasan Sheekh Culumaa’udiinka Soomaaliya kala hadlay dagaalka Al shabaab iyo kaalinta kaga aaddan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimo kale muhiim ah, kulankaan oo qaatay muddo saacado ah.

Madaxweyne  Xasan Sheekhayaa ayaa ku ammaanay culumada  sida ay dowladda u garab taagan yihiin dagaalka ay kula jiraan kooxahaasi oo uu ku tilmaamay kuwo cadow ku ah Islaamka iyo Soomaaliya. Waxa uu ku nuux-nuux saday in culumada ay yihiin kuwa dhaxlaya dhaqanka suuban ee diineed ee Soomaaliyeed.

Waxa uu ku booriyay aqoonyahanada in ay ka faa’ideystaan ​​aqoontooda iyo saameyntooda si ay uga hortagaan fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo uu ku sifeeyay mid salka ku haya jahliga iyo colaada, sida uu hadalka u dhigay.

Bishii Janaayo 2023, waxaa Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Culamada  Soomaaliyeed, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in meesha laga saaro saameynta Al-Shabaab. Culumaa’udiin caan ah oo ka kala yimid Soomaaliya iyo dibeda ayaa ka hadlay xeeladaha lagula dagaalamayo fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab iyagoo adeegsanaya doodo fiqi ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday weerar milateri oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo dib u soo ceshatay inta badan xarumaha ay ku nool yihiin dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug labadii sano ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa marar badan ka jawaabtay weeraro ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa rayidka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed