Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Jabuuti ayaa waxaa ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulanka labada masuul la sheegay in lagaga hadlay cilaaqaadka labada dal.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah, taasi oo ay ku jiraan ciidamada dalkaasi ee ka tirsan howlgalka ATMIS oo wajiga cusub ee sanadka soo socda sida ay uga qeyb qaadan doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa ciidamadoodu ku jiraan howlgalka Qaramada Midoobey, iyada oo Jabuuti ka mid tahay dalalka markale sheegay in diyaar u yihiin ka mid ahaanshiyaha howlgalka so socda ee AUSSOM ee 2025 bilaaban doona.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku jiro ayaa waxaa uu horay ugu soo maray Uganda iyo Burundi, waxaana madaxtooyadu ay ku sheegtay safarka Xasan Sheekh in uu ku tagidoono dhamaan dalalka ciidamadoodu joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed