Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo guluf culus oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacanta maamulka degmooyinka Qansax-dheere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ay la wareegeen ciidamo daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq, oo ka hadlay qabasashada afarta degmo ayaa sheegay in maamulka uu dhammeystirayo qorshayaashii ugu dambeeyay ee dib loogu qabsanayo, isaga oo ciidamada ka soo horjeeda ku tilmaamay “Khawaarij” sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu tilmaamay in maamulka, isaga oo garab ka helaya ciidamada dowladda federaalka, uu saacadaha soo socda dib ula wareegi doonaan Diinsoor, Qansax-dheere, Bardaale iyo Buurhakaba. Wasiirka ayaa sheegay in kooxo uu ugu yeeray nabad-diid ay dhibaato ku hayaan bulshada.
“Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed waxay ku howlan yihiin in degmooyinka carqadaha laga wado la sifeeyo, amnigoodane la xaqiijiyo saacadaha soo socda. maamullada ka shaqeeya Degmooyinka Diinsoor, Qansax-dheere, Bardaale iyo Buurhakaba way wada joogaan. Nabad-diidkane meel gees ayey joogaan, iyaga oo bulshada dhibaataynaya oo xaalad adag ku jira” ayuu yiri wasiir Isaaq.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba, oo la hadlay warbaahinta, ayaa shacabka ugu baaqay inay sugaan inta dowladda ay dib ula wareegayso degmooyinka la qabsaday. Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda dib loo soo celin doono waxa uu ku tilmaamay “neecaawda dowladnimada”, isla markaana degmooyinka ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada daacadda u ah Laftagareen dib loogu soo celin doono gacantooda.
Inkasta oo aanu soo bandhigin cadeymo suurtagal ah, hadane wuxuu sheegay in deegaannadaasi ay qabsadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, isaga oo rajo ka muujiyay in maamulku dib ula wareego goobahaasi.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa horay guulo uga sheegtay howlgallo ay ciidamadiisu ka fuliyeen gobolka Baay, kuwaas oo uu ku tilmaamay dadaallo lagu sugayo amniga──laguna soo celinayo xasilloonida deegaannada.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in ciidamada isaga daacadda u ah ay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan oo ay xoreeyaan afar degmo iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay. Hadalkaasi ayaa muujinaya sheegashooyinka is-diiddan ee dhinacyada ku loollamaya gacan ku haynta deegaannada gobolka.
Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Laftagareen iyo kuwa maamulka ka jira, kaas oo garab ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

