Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa xaqiijisay afar kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah, taasi oo tirada guud ee dadka laga helay cudurka dalkaasi ka dhigaysa 7 qof oo kii ugu horeeyey ee dalka soo galiyey u dhintay.
Dadka cusub ee cudurka laga helay waxaa ku jira 3 shaqaale caafimaad iyo nin ay qaraabo yihiin qofkii ugu horreeyay ee laga helay Ebola.
Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in afarta qof ay karantiil ku jireen, markii ay muujiyeen calaamadaha cudurka, kaddibna si degdeg ah loo go’doomiyay.
Bayaanka ka soo baxay ayey intaasi ku dartay in ilaa hadda aan la helin caddeyn muujinaysa in cudurku ku faafay bulshada dhexdeeda. Waxaa socda dadaallo lagu raadraacayo dadka xiriirka la yeeshay bukaannada si loo ogaado khatarta faafitaanka──loona xakameeyo cudurka.
Xaaladdan ayaa walaac ka abuurtay Kenya, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, iyadoo la sugayo xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda cudurka iyo tallaabooyinka ka hortagga.
HBN ONLINE TV

