Madaxweyne hore Farmaajo iyo qaaar kamid siyaasiyiinta Mucaradka oo si adag uga horyimid jadwalka doorasho ee heer federal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta horyimid jadwalka doorashada heer federaal ee uu shaaciyay guddiga doorashooyinka. Farmaajo ayaa go’aanka guddiga ku tilmaamay mid hal dhinac ah sida uu hadalka u dhiagy oo aan ku salaysnayn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Wuxuu ka digay in hannaanka doorasho ee dowladda federaalka waddo uu dalka u horseedi karo doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye, sida uu ku andacooday. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku socdo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn, isaga oo ugu baaqay madaxda hore, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadeed inay ka wada shaqeeyaan doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka qayb qaataan xal u helidda khilaafka doorashada, isla markaana ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashada iyo heshiiska laga gaarayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

 HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed