Somaliland oo isbahaysiga Masar, Sudan, Soomaaliya iyo Eritrea ku sheegtay mid halis ku ah jiritaankeeda

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo si adag uga horyimid tallaabooyinka ay waddaan dalalka Masar, Sudan, Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa sheegay in aan la aqbali karin wax kasta oo lid ku ah jiritaanka Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in iskaashi kasta oo gobolka ka dhacaya aanu noqon karin mid Somaliland laga reebo, isaga oo ka digay in isku day kasta oo lagu faquuqayo Somaliland uu horseedi karo xasillooni-darro iyo kala qaybsanaan gobolka ka dhacday, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu ka soo horjeednaa tallaabada qarannimadeenna liddiga ku ah ee ay ku kaceen dawladaha ay Masar hormuudka u tahay ee dhowaan is bahaystay. Waxaan u sheegaynaa in aanay marnaba suurtagal noqon karin iskaashi gobolka dhexmara oo aanay Somaliland qeyb ka aheyn. Isku day kasta oo lagu faquuqayo Somaliland waxa kaliya ee uu soo kordhin karaa xasilooni daro & qeybsanaan uu gobolku wajaho” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada-hadal kasta oo ku dhisan is-ixtiraam, balse aan laga gorgortami karin jiritaankeeda.

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro oo ka hadlay xaaladda Itoobiya ayaa caddeeyey in Somaliland aanay oggolaan doonin faragelin lagu sameeyo dalkaas. Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka ay xukuumadda Hargeysa ka taagan tahay arrimaha gobolka iyo xiriirka ay la leedahay Addis Ababa.

Hadalladan ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarro shaqo oo uu ku kala tegay Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu sheegay in ay diiradda saareen iskaashiga caalamiga ah, ganacsiga iyo maalgashiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed