Masar oo sheegtay inaysan aqbali doonin wax qatar ku ah Soomaaliya

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Qaahira, ee dalka Masar isla markaana ka wada hadlay arrimo muhiim ah.

Madaxweyne C/fataax Al-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Qasriga Al-Itixaadiya ku qaabilay Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladaha gobolka.

Dhanka Masar waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Sarreeye Guuto Maxamed Zaki, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Sarreeye Gaas Cabbaas Kamel.

Madaxweyne Sisi ayaa carabka ku adkeeyay in Masar aysan ogolaan doonin wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda.

“Soomaaliya waa dal Carbeed waxa ay ka mid tahay Jamaacadda Carabta, sidaa darteed waxa ay xaq ugu leedahay Jaamacadda Carabta in ay difaacdo haddii ay u baahato, sidaas marka aan leeyahay ma ahan inaan qolo kale u goodinayo, Laakiin Soomaaliya cidii fara-gashata ama handada waxa ay handadey Masar, Alle mahaddii Masar maanta waa ay u diyaarsan tahay in ay ka difaacdo Soomaaliya khatar kasta oo soo wajahda, waana ka difaaceynaa” sidaas waxaa yiri madaxweynaha Masar Cabdifitaax Sii Sii.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay u kacsan tahay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliyeed, diyaarna u tahay in ay siiso taageero aanan kala go’ laheyn.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed