Madaxweynaha Soomaaliya Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciimada xoogga oo kulan muhiim ah la yeeshay saraakiil kala duwan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,  ayaa kulan la qaatay saraakiil kala duwan oo ka tirsam ciidanka xoogga dalka kaasoo looga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay ciidamada inay sii wadaan gudashada waajibaadka qaran ee ka saaran xoreynta dalka iyo dardar gelinta howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Mar uu ka hadlayay dagaalada ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya ayuu madaxweyne Maxamuud sheegay in horumarada la taaban karo laga gaaray xoreynta deegaanada muhiimka ah sida Muqdisho ilaa Gaalkacyo iyo Muqdisho ilaa Xarardheere. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la dardargeliyo howlgalada ka socda Hirshabelle iyo Galmudug, si loo sugo ammaanka deegaanadaasi,  loogama hortago qataraha soo wajahaya.

Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha istaraatiijiyadeed ee ciidamada xoogga dalka loogu wareejinayo saldhigyada gobollada koonfureed ee ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dib looga soo ceshado deegaannadaasi Al-Shabaab si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga dhammaan muwaadiniinta.

 

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Mudug ayuu madaxweynuhu sheegay in ay naf u hureen ciidamada iyo dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannadaas guuul ka gaareen Al shabaan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka hoggaamineed ee ciidamada iyo howlgallada socda, isagoo sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Al shabaab.

Isku soo wada duuboo, hadalka Madaxweynaha ayaa muujiyay dadaalka iyo geesinimada ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay hesho nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed