Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa walaac ka muujiyay eedeymo ku saabsan xiriirro la sheegay inay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ay la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaanada maamulkaasi.
Jaamac ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan heer sare ah oo uu la yeeshay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Wuxuu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sida dagaalayaasha Al-Shabaab ay dib ugu soo galeen deegaanno ay horay u sugayeen ciidamada nabad ilaalinta, si gaar ah kuwo Itoobiya. Hase yeeshee, Guddoomiyuhu ma soo bandhigin caddeymo taageeraya eedeymaha uu si fagaare ah u jeediyay ee ku saabsan xiriirka la sheegay inuu ka dhexeeyo siyaasiyiin gobolka ah iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu dalbaday in la caddeeyo sababta qof ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab uu weli si muuqata ugu sugan yahay goobo la yaqaan oo ku yaalla gudaha Kenya, iyada oo weliba ay dowladdaasi siisay ciidamo ilaaliya.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo Koonfur Galbeed ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo iska horimaadyo u dhexeeya ciidamo taageersan Aadan Madoobe iyo xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dagaallada ka dhacay gobolka Bay, gaar ahaan agagaarka Baydhabo iyo dhowr deegaan oo ku dhow, ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo xaaladda amniga, kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo gacan-ku-haynta deegaannada.
Xiisadaha socda ayaa markale dhaliyay walaac ku saabsan inay wiiqi karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay sii xumeyn karaan xasilloonida koonfurta Soomaaliya, kadib markii dhamadka todobadkii hore ay ciidamada daacadda u ah Laftagareen ay sheegeen inay qabsadeen afar degmo oo kala ah Qansax-dheere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor ee gobolka Baay.
Su’aalahaan la hordhigay Xukuumadda Soomaaliya iyo arrimaha siyaasadeed ee cakiran weli meelaha la carrabaabay kama aanay jawaabin.
HBN ONLINE TV

