Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Baay ayaa sheegaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gorgor, Danab iyo ciidanka gaarka ah ay ku sii dhowaanayaan degmada Buurhakaba, kadib markii la xaqiijiyey in kooxda Alshabaab ay qabsadeen.
Xogaha hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dagaal la galeen xubnaha jooga Buurhakaba sacadihii la soo dhaafay, inkasta oo degmada ay todobaadkii hore xaqiijiyeen xoogaga Madaxweynihii hore ee Koonfur Cabdicasiis Laftagareen inay la waregeen.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo faahfaahin ka bixiyey xogta Buurhakaba ayaa sheegtay in Al-Shabaab la wareegtay degmada, waxaana xubinta hoggaaminaysa kooxda lagu sheegtay Maxamed Cabdi Xuseen Awkaarey oo horay u soo noqday guddoomiyaha degmadaas.
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Awkaarey oo xogtiisa lala wadaagay warbaahinta uu horay xilka guddoomiyenimada ka tegay sannadkii 2008, kaddibna ku biiray kooxda Al-Shabaab. Sannadkii 2013 ayuu mar kale ka soo muuqday Buurhakaba isagoo ka tirsanaa sida la sheegay maamulka kooxda ee xilligaas ka jiray deegaanka.
Xogaha u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen gudaha magaalada, kuna sugan yihiin duleedkeeda. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in barakac xooggan uu ka bilowday Buurhakaba.
Muhiimad intee la eg ayey Buurhakaba u leedahay Koonfur Galbeed?
Degmada Buurhakaba oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa isku xirta Baydhabo iyo deegaanno kale oo muhiim ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Waxay qiyaastii 180-km koonfur-galbeed ka xigtaa caasimadda Muqdisho marka lagu soo socdaalayo wadada Afgooye ee gobolka Banaadir soo gasha, halka ay 60-km waqooyi-bari u jirto magaalada Baydhabo
DFS ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan howlgallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo deegaannada ay Al-Shabaab la wareegeen, iyada oo sheegtay in dadka rayidka ah u soo gudbiyeen cabashooyin la xiriira xarig, dhibaateyn iyo bililiqo.
Dhanka kale, Laftagareen ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay weerarro lagu qaadayo magaalooyinka ay maamusho Koonfur Galbeed uu isagu hoggaamiyo, balse maamulka jira uu ka soo horjeedo.
HBN ONLINE TV

