Madaxweynaha Soomaaliya oo wali wado tallaabooyinka diblomaasiyadeed isla markaana gaaray dalka Masar

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wado tallaabooyinka diblomaasiyadeed, isla markaana gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar,isagoo casuumad ka helay Madaxweynaha Masar Al-Sisi. Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay ku asteysan tahay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Masar ayaa mowqif adag ka qaadatay Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sameh Shoukry. Shoukry waxa uu carabka ku adkeeyay sida ay Masar uga go’an tahay inay tababaro iyo taageero siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in awood loo siiyo qaranka si ay u ilaaliso madax banaanida dhulkeeda oo dhan.

Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi, ayaa si cad u ballanqaaday inay taageerayaan Soomaaliya, tallaabadan ayaa timid ka dib markii Itoobiya ay isku khilaaftay heshiis dhinaca badda ah oo ay la gashay Somaliland. Iyadoo dhaqdhaqaaqyada gobolka ay sii kordhayaan, xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar wuxuu u yahay tallaabo muhiim ah horumarinta iskaashiga Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed