Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay furimaha hore ee dagaalka isla markaana la sheegay dib bilaabidda dagaalkii Al shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay dardar-gelinta howlgalladii dib u xoreynta dalka ee looga soo horjeeday kooxda Al shababa, isla markaana gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe. Waxaa safarka ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka & saraakiil culus.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada iyo odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi, isagoo kala hadlay qorshaha mustaqbalka dhow ee lagu xoraynayo deegaanada weli gacanta ugu jira kooxdaasi.

Madaxweynaha ayaa sanadkii hore ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo ciidamada ay dib ula wareegeen deegaano badan oo istaraatiiji ah oo ku yaal labada maamul.

Qorshaha la xariira socdaalka ayaa lagu sheegay mid  qeyb ka ah bilaabashada wejiga labaad oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasoo la tilmaamay in Al shabaab uu siiyay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, iyaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed