Sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warkaan siidaysay, waxaa howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjoogihii kooxda Alshabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka cusub iyo uruurinta waxa dowladdu ugu yeerto”baadda xoogga ah” oo loola jeedo lacagaha kooxdu qaaddo shacabka.
Horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar oo sida war saxaafadeedka lagu sheegay muddo dheer Alshabaab tashkiilinta iyo qorista xubnaha cusub ee kooxda ayaa waxaa lagu dilay howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii bishaan Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla sida la tilmaamay deegaanka Hantiwadaag
Sidoo kale, waxaa bayaanka lau xusay in uu dhaawac culus soo gaaray xubin kale oo lagu soo kooban Macallin Daa’uud, oo ah isna horjooge sare oo Alshabaab u qaabilsanaa “waxa ay ugu yeeraan dabagalka iyo amniga gudaha” sida ay sheegtay wasaaradda Gashaandhigga.
“Xogta la helay ayaa xaqiijinaysa in Khawaarijtu maanta gudaha deegaanka Hantiwadaag ku aaseen Cabdisalaan Macallin Abuukar. Labada horjooge ayaa xilliga la beegsanayay ku howlanaa maleegidda falal argagixisanimo iyo qorsheyaal lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed” ” ayaa lagu yiri warka wasaaraddda.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay mar kale xaqiijinayaan sii wadidda howlgallada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Alshabaab meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.
Todobaadkan, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalada militari iyo cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo Alshabaab ay ku qasbeen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda inay isaga soo baxaan, halka 20-kii maalin ugu dambeeyay ay kordhisay dowladdu howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo Alshabaab. Sida ay sheegtay, howlgallo laga fuliyay gobollada Shabeelooyinka ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiisay in ka badna 120 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ah.
Dhanka kale, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka billaabay gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug guluf ciidan oo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, iyadoo isla markaana ay socdaan abaabulo ciidan oo lagu xoojinayo howlgallada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 1-dii bishan sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda, kaas oo uu tilmaamay inuu ka duwan yahay isla markaana ka xooggan yahay howlgalladii hore.
HBN ONILNE TV

