Soomaaliya oo Calanka hoos u dhigtay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hoos u dhigtay nus tiir, iyadoo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Amiirka hore ee Qatar Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani, kaasi oo shalay dalkaasi ku geeriyooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in calanka Qaranka Soomaaliya muddo 3 maalmood ah hoos loo dhigo, si loo maamuuso geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar marxuum Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ay Soomaaliya ku muujinayso tacsida iyo garab istaagga Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib geerida hoggaamiyihii hore ee dalkaas oo door weyn ka soo qaatay horumarka Qatar.

Soomaaliya ayaa ku biirtay dalal badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan Pakistan, Hindiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo iyaguna calankooda hoos u dhigay si ay u muujiyaan xushmadda ay u hayaan marxuumka.

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa gashay maalmo baroordiiq qaran ah, iyadoo madax iyo wafdiyo caalami ah ay ku sugan yihiin Doha halka kuwo kalena la filayo inay gaaraan si ay uga qayb galaan aaska iyo tacsida Amiirkii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed