Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose sheegtay in lagu dilay tiro ku dhow toban xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, waxaana dadka la xaqiijiyey ka mid aha horjooge sare.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ka dhacay saqdii dhexe ee xalay degmada Sablaale in lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab, waxaana lagu inta la xaqiijiyey lagu dilay 7 xubnood oo uu ku jiray horjooge door ku lahaa sida la tilmaamay abaabulka maleeshiyaadka.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab ay burburiyeen 2 xarumood oo Alshabaab u adeegsan jirtay sida hadalka loo dhigay tababarka maleeshiyaadka iyo faafinta waxay ku sheegtay “fikradaha xagjirka ah”.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, iyagoo xustay in la beegsan doono horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha ay kooxdu ku sugan tahay.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday howlgallada militari ee ka dhanka ah Alshabaab, kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in la dardargelinayo dagaalka lagula jiro kooxda.
Dhanka kale, dowladda ayaa hore u sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo lagu tilmaamay inuu Alshabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka cusub iyo uruurinta lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka.
HBN ONLINE TV

