Somaliland oo bayaan ka soo saartay geerida Senator Mareykan ah oo aad u taageeri jiray Israa’iil

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka tacsiyeysay geerida ku timid Senator-ka Mareykanka ahaa ee Lindsey Graham, oo muddo dheer ka tirsanaa Aqalka Senate-ka, una ololeyn jiray siyaasadda ee Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo tacsi loogu diray qoyska iyo shacabka Mareykanka ayaa ku tilmaantay Lindsey Graham inuu ahaa sida ay hadalka u dhigtay siyaasi caan ah, saaxiib ay Somaliland leedahay iyo qof si joogto ah u taageeri jiray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.

“Somaliland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska Senator Lindsey Graham, Dowladda iyo shacabka Mareykanka, kaddib geeridiisa. Wuxuu ahaa siyaasi sumcad weyn ku lahaa Mareykanka, saaxiib ay Somaliland qiimeyn jirtay, isla markaana si joogto ah u taageeri jiray xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dhismaha xiriir waara oo u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri warka Somaliland.

Senator Lindsey Graham, oo 71 jir ahaa ayaa geeriyooday, kadib xanuun degdeg ah, waxa uu ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga. Waxyaabaha lagu yaqaanay waxaa ka mid ahaa mowqifyadiisa ad-adkaa ee siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan taageerada uu u muujin jiray Israa’iil iyo xiriirka dhow ee uu la lahaa dalalka ay Mareykanku saaxiibka yihiin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed