Madaxweynaha Soomaaliya oo shir heerkiisu sareeyo uga qeyb galay dalka Imaaraatka oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeyb galay shir looga hadlayay amniga, kaasi oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan la dagaallanka Al shabaab iyo difaacidda madax banaanida dalkiisa.

Shirkan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen wakiilo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa sidii looga adkaan lahaa kooxda K Al-Shabaab oo muddo 15-sano ah dagaal kula jirtay.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyay guulihii ugu dambeeyay ee ay gaareen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo Al-Shabaab kala wareegay magaalooyin iyo tuulooyin istiraatiiji ah, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay dhulkeeda uga ciribtiri lahayd khatarta kooxda, isla markaana ay ku gaari lahayd isku filnaansho dhanka ammaanka ah.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasiloonida gobolka, lagana fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara guulaha adag ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al shabaab, Waxa uu sheegay in madax banaanida iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya ay tahay in la ixtiraamo dhammaan dhinacyada, waxa uuna ka digay in faragelin shisheeye ay ku sameyso arrimaha gudaha ee dalka.

Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen 1-dii January 2024-kii, kaas oo la sheegay in Itoobiya loo ogolaaday in ay hesho dekedda  Badda Cas, isla markaana laga kireeyo Saldhig Milatari oo ay mustaqbalka u aqoonsanayso madax-bannaanida Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed