Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta socdaal aan la sii shaacin ku gaaray Magaalada Asmara, waxaana garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhigiisa Eritrea Isias Afewerki.
Labada Madaxweyne waxaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xaaladda Gobolka, iyada oo xogaha qaar ay sheegayaan in ajendaha kulanka la isku soo hadal qaadi doono heshiiskii Ankara ee Xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.
Soomaaliya weli kama hadlin socdaalka Madaxweynaha waxa uu ku qotomo iyo safarkiisa uu ku gaaray Asmara, iyada oo wafood ka kala socda dowladda ay joogaan Masar iyo Itoobiya.
Dowladda Eritrea war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay kawada hadli doonaan xaaladda gobolka iyo xiriirka u dhexeeya, sida aan ka soo xiganeyno wasiirka warfaafinta Yemane Gebre Meskel.
HBN ONLINE TV