Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Rome kula kulmay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Magaalada Rome kula kulmay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Comoros, Azali Assoumani, oo ka qaybgalaya shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii heshiis muran badan dhaliyay oo Itoobiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland ay kala saxiixdeen. Heshiiskan oo u ogolaanaya Itoobiya inay gasho deked badda cas, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xasilloonida gobolka iyo ammaanka. Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin, waxayna u yeertay safiirkeeda u fadhiya Itoobiya. Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, diidmada xooggan ee Soomaaliya ay ka qabto heshiiska ayaa salka ku haysa iskaashi heer sare ah.

Iyadoo laga jawaabayo xiisadaha sii kordhaya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), shirkoodii 1192 ee Janaayo 17, waxay muujiyeen walaac qoto dheer. Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madaxbannaanida dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa ku booriyay labada dal inay galaan wada xaajood nabadeed, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo ixtiraam labada dhinac ah iyo u hoggaansanaanta mabaadi’da deris wanaagga. Baaqan wadahadalka iyo xakameynta ayaa loo arkaa mid muhiim u ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed