Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Jubaland iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, waxaana saacadihii lasoo dhaafay gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka sii horeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in uu tago Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa ka wada hadlaya xaaladda dalka, dadaallada dowladda ee dagaalka Al shabaab iyo arrimo kale oo dhanka ammaanka ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin una rajeynayaan in deegaankooda iyo guud ahaan dalka uu ka hirgalo, iyagoo bogaadiyay dadaalka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu jiro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta dalka.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed