Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo uu ka jeediyay hadal culus oo ka dhan ah damaca Itoobiya

Kulankan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ahay  shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika, ayaa waxaa hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana xusay  in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Xasan Sheekh iyo waftiga uu hoggaaminayay ee ka qeyb galay shirka, ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxdii timid, isla markaana uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, iskaashiga arrimaha ammaanka iyo dagaalka kooxda Al shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku celceliyay in aan la aqbali karin tallaabooyinkii ay qaaday dowladda Itoobiya, gaar ahaan nuucyada hishiiskii  is-afgaradka ahay (MoU) ee ay la saxiixatay Somaliland oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya, asagoo falkaas ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Bishii hore ee Janaayo hishiiska dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayaa  dhigayay in Itoobiya saldhig ciidan ku yeelato gobolka Awdal ee biya Badda Cas, arrintaas ayaa si cad waxaa u diiday Dawlada Soomaaliya, kuna tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah dhulkeeda.

Si kastaba shirkaan 37-aad ee Midowga Afrika ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo weli uu xun yahay xiriirka Muqdisho iyo Adisa Abab.

HBN  NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed