Madaxweynaha Soomaaliya oo arrimo muhiim ah kala Xildhibaannada Haweenka ah ee labada Gole

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Kulankan ayuu madaxweynuhu ku bogaadiyey hablaha sharci-dejinta doorkooda muuqda ee ay ku leeyihiin kobaca qaranka, waxaana uu madaxweynuhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada hawlaha sharci dejinta. Munaasabadan ayaa fursad siisay wadahadal iyo wadashaqeyn dhexmarta hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ee dowladda.

Kulankaan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ay soo bandhigayaan soo jeedintooda wax ka bedelka dastuurka. Soo jeedintu waxay ka kooban tahay afar cutub oo qeexaya wax ka bedelka loogu talagalay in lagu wajaho arrimaha muhiimka ah iyo kor u qaadista haykalka dowladnimo ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed