Madaxweynaha Somaliland oo war cusub ka soo saaray meel marinta hishiiskii ay la galeen Itoobiya eedna u jeediyay dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday, si adagna uga hadlay in hishiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya uu fuli doono, lana dhammeystirayo, isla markaana aysan waxbo ka beddeli karin dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, kaasoo wacad ku maray in aanan cidna loo joojin doonin.

Muuse Biixi ayaa ayaa sheegay in danta ay leeyihiin iyo tan Itoobiya ay mideyn doonaan iyaga oo eegaya danahooda gaark ah, waxaa uu hoosta ka xariiqay in Adis Ababa ay dooneyso Biyo Badeed,  isla markaana ay Itoobiya diyaar la tahay aqoonsiga Somaliland, taasoo ah danta ay ka leeyihiin hishiiskaan.

Madaxweynuhu waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland aysan aheyn wax jiro, isla markaana ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya. Biixi intii uu hadalka jeedinayay waxaa si gaar ah eed ugu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu ku xad-gudbay Somaliland.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  Ciise Kayd Maxamuud oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska Somaliland ee Itoobiya, waxa uu hoosta ka xarriiqay “Faa’iidada labada dhinac ee laga filayo heshiiskaas oo khuseeya dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo nabadgelyada.

Wasiir Maxamuud waxa uu iftiimiyay saamaynta laga filayo heshiiskaasi, isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu Somaliland iyo Itoobiyaba u horseedi doono barwaaqo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiisku aanu ahayn oo kaliya “u hogaansanaanta sharciga caalamiga ah balse sidoo kale waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah iyo kobcinta isbedelka wanaagsan.”

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa hishiiskaas oo dhacay horraantii bisii Janaayo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo waadjirkeeda dhuleed, kaasoo oo ay baabi’iyeen ama buriyeen baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh.

 

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed