Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga xukumaddiisa

Madaxweynaha Somaliland ,Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiirka Gaashaandhigga u magaacabay, Rooble Muuse Cabdi Cilmi, kaddib markii xilkaan uu iska casilay, Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye khilaafka ka dashay hishiiskii Itoobiya ee Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa wareegto kasoo baxday madaxtooyada ku magacaabay wasiirka cusub” Waxaan go’aamiyay in Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay madaxtooyada.

Biixi  ayaa dhanka kale xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Waxbarashada Cabdixakiin Siciid Bustaale, isla markaana u magacaabay Maxamuud Yuusuf Cilmi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed