Madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah la yeeshay hey’adaha ammaanka maamulkaas, isla markaana sheegay in hormarin iyo tababar siin doonaan ciidamada

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Hay’adaha Amniga, sida Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga. Waxaa uu sheegay in Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka ay siinayaan muhiimad gaar ah, isla markaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka tababarka, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Puntland.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa sheegeen in ay diyaar u yihiin hormarin dhanka ammaanka dhammaan deegaannada maamulkaas, kuwaas oo soo bandhigay warbixino xasaasi ah oo khuseya arrimaha ammaanka.

Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee madaxweyne Saciid Deni uu la qaato saraakiisha iyo hey’adaha ammaanka maamulkaas taniyo markii dib loo doortay 8 bishii Janaayo ee sanadkaan, sidoo kale ayaa imaanayaa xilli deegaannada maamulka Puntland ay ka dhacayeen falal ammaanka lid ku ah oo lagu dilay dad kala duwan iyo falal kale oo ay ku jiraan kufsi iyo qaraxyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed