Madaxweynaha Puntland oo dajiyay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo arrimaha khilaafka Deni yo Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay shir heerkiisu sareeyo, kaasoo isugu yeeray wakiilo ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga wadahadlo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hadal uu jeediyay fiidnimadii Talaadada, ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay in Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh uu aqbalay martiqaadka ka qeybgalka shirka madasha. Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dooda madasha ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha dalka ka jira.

Madaxweyne Deni ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda Federaalka ay diyaarineyso ajandayaasha looga hadlayo shirka soo socda.

“Shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada, ra’iisul wasaarayaashii hore, waxaa la isku afgartay in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha dalka ka jira,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale loo doortay Madaxweynaha Puntland ayaa hoos u dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka. Madaxweyne Xasan, Madaxdii hore ee dalka, iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galay xafladda caleema saarka, iyagoo ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed