Madaxweynaha maamulka Galmudug shaaca ka qaaday dadka ka dambeeya hurinta dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka Mudug soona saaray eed cusub

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa hadal uu jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday dadka dambeeya  dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay dagalkaas kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaal beeleedyada soo laa laabtay.

Madaxweynaha waxa uu carabka ku dhuftay in shaqsiyaad uusan magacaabin ay dano siyaasadeed ka raadinayay colaadda beelaha walaalaha ah, isla markaana ay ka khatar badan yihiin maleeshiyaadka Al shabaab sida uu hadalka u dhigay, marka loo eego hurinta colaadaha wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska xorreeyo oo laga hortago.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay, kuwaas oo dhex-maray maleeshiyaad qabaa’il ah oo daga gobolkaas, waxaana haatan soconayo dadaalo ay wadaan maamullada Galmudug iyo Puntland oo looga hortagayo dagaal beeleedyadaasi.

Qoor Qoor wuxuu sheegay Puntland iyo Galmudug in ay iska kaashan doonaan sidii colaaddaas lagu dhamameyn lahaa, si loo baajiyo dhiigga macno darrada ku daadanaya.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed