Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed ku soo laabtay magaalada Baydhaba isla markaana ka warbixiyay qorshihii u soo hirgalay

Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kadib safar shaqo oo uu uga maqnaa dalka dibadiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuuumadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhaweeyay Garoonka Dr Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa dhawaanahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern. Madaxweynaha ayaa safiirka kala hadlay mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska ee dowladda Sweden ay ka taageerto dowladda Koonfur Galbeed si loo xoojiyo gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Horumarinta ee Safaaradda Ingiriiska Damon Bristow, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Taageerada Dowladda Ingiriiska ee dhinacyada Tababarida Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Mashaariic horumarineed iyo ka qeyb qaadashada wajigii 2-aad ee dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa la filayaa inuu galabta gaaro magaalada Garoowe, halkaasoo ay ka socoto xafladda caleema saarka Madaxweynaha Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed