Macallin Dugsi oo Toorey lagu dilay oo Muqdisho lagu aasay toddobaad kaddib

Marxuum C/raxmaan Maclow Abiikar oo ahaa Macalin Iskuul oo Muqdisho lagu dilay ayaa maanta la aassay, kaddib  muddo toddobaad ah oo uu ku jiray Faranjiyeer, ayaa ugu dambeyn Eehelkiisa waxay go’aan ku gaareen in ay duugaan.

Macalinka ayaa la dilay kadib markii uu canaantay gabar ardaydiisa ka mid aheyd, waxaana dilay wiil uu dhalay inanta uu macalinku canaantay, kaasoo dilkiisa u adeegsaday toorey.

Meydka Macalinka ayaa lagu aasay wadaa  Qabuuro ku yaala deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen Ururka Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

“Bahda waxbarashada gobolka Banaadir waxaa lagu wargelinayaa in ay ka soo qeyb galaan aaska, waxaana Allaha u naxariistee Macalin C/raxmaan Macallow Abiikar lagu wargelinayaa in aaska marxuumka lagu tukan doono Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir, haddii Alle idmo maalinta Khamiista oo ay taariikhdu tahay 22/02/2024. , 7:30 aroornimo ee subaxnimo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Iskuullada Gobolka Banaadir.

Sababta dib loogu aasay meydka marxuumka ayaa lagu sheegay in qoyskiisa ay doonayeen in ay helaan cadaalada dilka wiilkooda.

Ehelada marxuumka iyo bahda waxbarashada ayaa banaanbax ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay ku dalbanayeen in dowladda Federaalka ay soo qabato ninkii dilay marxuumka oo uu baxsado.

Dilka macalinkan ayaa ka mid ahaa dilal naxdin leh oo mudooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed