Macalin iskuul oo lagu dilay Muqdisho oo Ehelkiisa ay dalbanayaan in uu helo caddaalad

Qoyskaan ayaa ku baaqay in cadaalada la horkeeno wiilkooda oo macalin ka ahaa dugsigii sare ee Siidii ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasoo toorey lagu dilay xilli uu ku sugnaa iskuulka maalin ka hor.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar, waxaana la sheegay in uu dilay Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxamuud, kaasi oo la sheegay in uu la dhashay gabar Ardayad aheyd oo uu macalinku cannaanta.

Shacabka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo aad uga xumaaday dilka macalinka ayaa maamulka ka codsaday in ay ku dadaalaan sidii loo soo heli lahaa eedeysanaha, islamarkaana sharciga la horkeeno.

Askarigii falkan geystay ayaa isla markiiba ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo laamaha ammaanka ee degmada Wadajir ay la wareegeen arrintan, waxaana sida wararku sheegayaan socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo qabto Xasan Maxamed Maxamuud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed