Maamulka SSC Khaatumo oo war cusub ka soo saaray colaado la sheegay inay hurineyso Somaliland gobolka Sool

Xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag ayaa ah mid cirka isku sii shareereysa iyadoo maamulka SSC Khaatumo ay ku eedeeyeen Somaliland inay hurineyso colaado sokeeye oo ka dhashay dil naxdin leh oo loo geystay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeda deegaanada SSC. War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka SSC ee Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wado deegaanadaasi, ayna doonayso inay colaad ka hurinayso.

War-saxaafadeedka ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in abaabulka ciidamada Somaliland ee Sanaag uu yahay mid si bareer ah loogu abuurayo khalkhal iyo xasilooni darro ka dhacda gobolka.

SSC Khaatumo waxay ka digaysaa in dhibaato kasta oo ka dhalata dagaal kasta iyo khasaare ka soo gaara dadka rayidka ah ay si toos ah garbaha ugu dhici doonto maamulka Somaliland.

Sidoo kale, SSC Khaatumo ayaa ku andacoonaysa in Somaliland ay duulaan ku soo qaadayso deegaanadooda, taasoo ay SSC Khaatumo si weyn uga soo horjeedo. Waxay cadeynayaan xaqa ay u leeyihiin is-difaaca waxayna ballanqaadayaan “inay si adag uga jawaabaan gardaro kasta oo ka dhan ah dhulkooda.”

Eedeynta ay soo jeedisay SSC Khaatumo ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii kordhayaan xiisada u dhaxeysa labada maamul ee ku aadan muranka dhulka iyo arrimaha maamulka. Gobolka Sanaag ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo iyo iska hor imaadyo u dhaxeeyay kooxo taabacsan SSC iyo ciidamada Somaliland, taasoo sii xoojisay xiisadda taagan.

Eedaymaha ay soo jeediyeen SSC Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay xaaladda amni xumo ee ka jirta deegaanka iyo caqabadaha hortaagan dadaallada lagu doonayo in nabad iyo xasilooni lagu gaadho. Eedeymahan ayaa sidoo kale muujinaya saluug hoose iyo arrimihii aan xal laga gaarin ee u dhaxeeya beelaha SSC iyo maamulka Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed