Maamulka magalaada Garowe ee Puntland oo amar culus ku soo rogay dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool magalaadaas iyo walaac laga muujiyay

Duqa magaalada Garoowe ee Puntland, C/qaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, ayaa ku amray dhammaan dadka sharci darrada ku jooga maaamulkaas, ee ka soo jeeda dalka Itoobiya inay si deg deg ah uga baxaan magaalada, haddii kalena ay musaafurin doonaan. Awaamiirtan ayaa la soo saaray Salaadii Ciida kadib, iyadoo maayarku uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in wax laga qabto dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan ee ku soo badanaya maamulka Puntland.

Guddoomiye Geeddi ayaa sheegay in magaalada ay dadaal badan ku bixisay sidii dadkan loo qaabili lahaa, balse la gaaray xilligii sharciga la horgeyn lahaa. “Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci darrada ah ku jooga magaalada, in badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhaweyo, laakiin hadda waqtigeedii ayey gaartay, waxaan rabnaa inaan u sheegno dadkaas, kuwa aan heysan warqadaha sharciga inay iskaga baxaan magaalada Garoowe,” ayuu yiri Geeddi.

Go’aankan ayaa daba socda tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ka soo kala jeeda qowmiyado kala duwan oo si weyn ugu soo qulqulaya magaalada Garoowe. Joogitaanka shaqsiyaadkan ayaa keentay in dawarsiga suuqyada iyo waddooyinka ay ku bataan caruur iyo dad waaweyn oo doonaya in la caawiyo. Intaa waxaa dheer, Itoobiyaanku waxay la wareegeen shaqooyin dhowr ah oo ay qaban jireen dadka muwadiniinta ah, sida nadaafadda iyo tuubooyinka laga shaqeeyo oo ilo dhaqaale oo muhiim ah u aheyd qoysaska danyarta ah ee Garoowe.

Talaabadan ayaa ka turjumeysa mid lamid ah tillaabo hore oo uu qaaday maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland, kaas oo sidoo kale ka mamnuucay dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada sababo la xiriira “dhaqmadooda iyo tirada sii kordhaysa ee tahriibayaasha”.

Amarka duqa magaalada Garowe ayaa bulshada dhexdeeda ka dhaliyay dareeno kala duwan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa taageeray go’aankan, iyagoo ku andacoonaya culeyska heysta kheyraadka deegaanka iyo fursadaha shaqo, halka qaar kalena ay walaac ka muujinayaan saameynta bini’aadinimo ee ay arrintaan  ku yeelaneyso barakacayaasha Itoobiyaanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed